Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1653724842527.jpg?resize=720%2C48

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Dugsiga sare waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanka 5940 Arday oo kala ah 3667 Wiil iyo 2273 gabdhood, halka dugsiga dhexe ay u fadhiisteen 12610 arday oo kala ah 5308 gabdhood iyo 7302 Wiil, Imtixaanka ayaa saaka ka furamay 136 goobood iyada oo ay fulinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahadceliyay bahda waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay hayaan,

‘’Waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan bahda Wasaarada Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu u sugnaan lahayd’’.

Dhanka kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada.

‘’Dowladda way ka go’antahay inaan muhiimad gaar ah siino waxbarashada, dal walba oo dunida ah horumarkiisu wuxuu ku xidhan yahay heerka aqoonta ee dadka ku nool’’.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray masuuliyiinta gacanta ku haya hawshan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan mudada Imtixaanku socdo.

‘’Hawl-wadeenada iyo masuuliyiinta Imtixaanka waxaan farayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan Illaalinta iyo kormeerkaba’’.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this