Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii u horreeyay ee ururkii Itixaad ee Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum.jpg?resize=650%2C394&ssl=1

Hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ururkii Itixaad ee Soomaaliya Sheikh Cali Warsame ayaa xalay ku geeriyooday dalka Urdun sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadda kuwaas oo ay saaxiibo dhow ahaayeen.

Sheikh Cali ayaa mudda dheer ku jiray fidinta dacwadda diinta islaamka waxaana dhawr jeer loo xiray arrimaha la xiriira dacwaddaas.

Ururkii Itixaad markii ay ku qayb-sameen duulllaankii lagu qaaday Puntland wuxuu Sheikh Cali kamid ahaa culimadii diidanaa dagaalka sida ay saaka qortay VOA-da.

Waxaa xusid mudan in dagaalkaas si ba’an loogu jebiyay ururkii Itixaad islamarkaana ay libin kala hoydeen jabhaddii badbaadada umadda ee SSDF (Somali Salvation Democratic Front).

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyihii u horreeyay ee ururkii Itixaad ee Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this