Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Xukun Adag Ku Ridday Wasiirkii Maaliyada Dalka Jabuuti Iyo Taliyihii Ciidanka Booliska + Cod Sir Ah Oo Laga Duubay Madaxweyne Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa min saddex sanno oo xadhig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay dambi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sanno ee xadhiga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

Waxaa iyaguna mid shan sanno oo xadhig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this