Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Dambiyada Ee ICC Oo Loo Gudbinayo Kiiska Dilkii Shireen Abu Akleh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Telefishanka Aljazeera ee waddanka Qatar ayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Tv-ga.

Kooxda qareennada ee Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si loogu gudbiyo maxkamada ICC.

Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this