Sign in to follow this  
Deeq A.

Caalimkii Weyn Ee Sheekh Cali Warsame Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Allah ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaalida ayaa geeriyooday, wuxuuna ahaa caalim si weyn loo yaqaano, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame oo fadhigiisu ahaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa saaka ku geeriyooday dalka Urdun.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose.

Sheekha oo muddo dheer ku jiray dacwada iyo fidinta diinta ayaa dhowr jeer la xidhay intii uu ku jiray fidinta dacwada, wuxuuna sidoo kale hore u cambaareeyay falalka maleeshiyada Al-shabaab

Sannadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this