Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabad-doon Caan Ah Oo Lagu Dilay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil xalay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan loogu gaystay Nabadoon caan ka ahaa deegaanka.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamuud oo loo garan ogyahay Cali Dheere, nabaddoonka ayaa kamid ahaa waxgaradka magaalada Baladweyne.

Kooxa ku hubaysan biskoolado ayaa nabaddoonka ku dilay xaafadda Xaawo-taako ee gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Laamaha ammaanka ee Baladweyne ayaa illa iyo hadda gudaha magaalada ka wado baritaanno ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii ka dambeeyay dilka Nabaddoonka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this