Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2022-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas  oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadeedka 2022-ka oo lagu jiro.

Golaha ayaa meel mariyay misaaniyad sanadeed gaaraysa ($918.7 M), waxaana lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo labada gole ee Baarlamaanka, golaha ayaa sanadkii tagay 2021 meel mariyay miisaaniyad  dhan ($699.1) Milyan.

Golaha ayaa maanta sidoo kale u codeeyay magacaabista agaasimaha guud ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka oo loo magacaabay xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, kaas oo kamid ahaa shakhsiyaadkii aad u diidanaa siyaasadda Farmaajo.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this