Deeq A. Posted May 26, 2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadeedka 2022-ka oo lagu jiro. Golaha ayaa meel mariyay misaaniyad sanadeed gaaraysa ($918.7 M), waxaana lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo labada gole ee Baarlamaanka, golaha ayaa sanadkii tagay 2021 meel mariyay miisaaniyad dhan ($699.1) Milyan. Golaha ayaa maanta sidoo kale u codeeyay magacaabista agaasimaha guud ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka oo loo magacaabay xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, kaas oo kamid ahaa shakhsiyaadkii aad u diidanaa siyaasadda Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites