Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo Kulan La Qaatay Ergeyga Midowga Yurub Ee Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo dhowaan soo gaartay Caasimadda.

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Marwo Annette Weber ayaa ballan qaaday in Midowga Yurub ay garab istaagi doonaan dowladda Soomaaliya ayna laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan, kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this