Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Taliyaha hey’adda NISA oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka.

Taliyaha cusub ee hey’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Mahad Salaad oo sidoo kale kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hey’adda NISA ayaa muddo badan aheyd mid aan taliye laheyn kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey taliihii hore ee hey’adaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

Hey’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa hoggaanka hey’adda kusime ahaan u hayey Yaasiin Farey oo hadda kamid noqoday xildhibaanada 11-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

The post DEG DEG: Taliyaha hey’adda NISA oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this