Sign in to follow this  
Deeq A.

Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Odowaa oo isku haysta guusha Madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220526_135311450.jpg?resi

Muqdisho (Wararka PP) — Dhowr iyo toban maalmood kaddib doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, laba siyaasi ayaa si kala gaar ah u sheeganaya inay ka dambeeyeen isbeddelkii dhacay 15kii Maajo. Abshir Bukhaari oo mar ahaa Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, ayaa sheegtay inuu ahaa u ololeeyaha sare ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

20220526_140222.jpg?resize=360%2C539&ssl

Bishii hore ayuu doorashada Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Muqdisho ka sheegay inuu taageersan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas ahaa murrashax Madaxweyne. Odowaa wuxuu ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh asaasay, kaddibna waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimmaha Gudaha.

Way suurtowdaa in Abshir Bukhaari ama Cabdiraxmaan midkood ka soo muuqda dowladda cusub oo uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaaraha la magacaabi doono dhowaan.

© Puntland Post, 2022

The post Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Odowaa oo isku haysta guusha Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this