Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo lagu wado in uu tallaabooyin deg deg ah qaado

Recommended Posts

Deeq A.   
DENI.webp?resize=720%2C480&ssl=1

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu markii u horraysay dib ugu laabto Puntland tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo lix maalmood ka hor ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa safar aan la shaacin ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

 Laba maalin kadib ayaa la filaya in uu dib ugu laabto Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay.

Dad aad uga agdhow ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo deg deg ah bilaabi doono islamarkaana xilka qaadis ku samayn doono mas’uuliyiin kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo lagu wado in uu tallaabooyin deg deg ah qaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this