Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Spain iyo France oo Lagu Eedeeyay Xaalufinta Badaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda Blue Marine Foundation oo dhaqdhaqaaqda badaha laga sameeyo xaalufinta kalluumaysiga aan sharciga aheyn ayaa sheegtay in Badaha Soomaaliya maraakiib shisheeye ay kawadaan kalluumaysi sharci-darro ah, waxaana warbixinta hey’adda lagu xusay in Maraakiibtaas laga leeyaay waddamada Spain iyo France .

Warbixinta ay hey’addu daabacday ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maraakiibta labadaan wadan ee kusugan Soomaaliya  gaar ahaan dhanka Badweynta Hindiya aysan jirin cadeymo muujinaya in ay jiraan heshiis la galeen Soomaaliya, sida laga soo xigtay warbixinta hey’adda Blue Marine Foundation.

Dhanka kale Marka laga soo tago heshiisyada iskaashiga Kalluumeysiga ee joogtada ah ee Midowga Yurub (SFPAs), waxaa jira heshiisyo qarsoodi ah oo la aaminsan yahay in ay galeen madaxda Soomaalida sida ay  hadalka u dhigtay,  waxaana hey’addu sheegtay in xogtaan ay u gudbinayso Midowga Yurub si wax looga qabto.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this