Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay dhistay in ka badan 200 oo buundo

Recommended Posts

Deeq A.   
PHA.jpg?resize=1000%2C767&ssl=1

Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland, Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa si kooban uga warbixiyay dayac-tirka lagu sameeyay laamiga xiriiriya magaalooyinka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay dhaqaale gaaraya $9 milyan oo dollar ku bixisay dayac-tirka laamiga u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso-Gaalkacyo iyo Garoowe-Laascaanood.

In ka badan 200 oo buundo ayuu sheegay in qaarkood dib loo dhisay, halka qaar kalena dayac-tir lagu sameeyay, islamarkaana dhammaantood loo fuliyay si dhammaystiran.

Wejiga labaad ee dhismaha kaabayaasha waddooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in uu bilowdo bartamaha sannadkan, sida uu xusay Cabdifitaax Sugulle.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay dhistay in ka badan 200 oo buundo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this