Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii caawa ee madaxtooyada oo aan wax heshiis ah laga gaadhin

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa caawa kulan balaadhan is ugu yimid xisbiyada qaranka Somaliland oo min laba xubnood ka koobnaa iyo madaxweynaha, kulankaasi oo ka dhacay madaxtooyada waxa laga dooday doorashooyinka fooda inagu soo haya, arimha gudiga doorashooyinka ee hakadka la galiyay.

Warar aanu helnay markii uu kulankii madaxtooyadu caaawa soo dhamaaday ayaa sheegaaya in aan kulankaasi wax guul ah oo la taaban karo aan laga gaadhin, hase ahaatee loo balansanyahay kulan kale oo dib la Isugu soo noqonaayo habaynka sabtida ee todobaadka soo socda.

Wali wax war ahi kama soo bixin dhinacaydii kulmay, waxana lagu wadaa in ay warbaahinta la hadlaan iyaga iyo gudidii wax dhex dhaxaadinaysay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this