Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi-Saciid.webp?resize=1000%2C744&ssl=

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaqo ka joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, kadib markii uu fasaxay Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo lagu xayiray dalka Cummaan.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu baabi’iyey go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda dalka iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.

Halkaan ka akhriso warqadda

warqad.jpg?resize=417%2C591&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this