Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Maraykanka Oo Dacwad Kusoo Oogay Nin Labaad Oo Loo Haysto Dilka Imaamkii Soomaaliga Ahaa Ee Sheekh Maxamed Xasan Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Columbus)-Eedeysane labaad ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha afduubkii keenay in la dilo imaam Soomaaliyeed oo caan ka ah magaalada Columbus ee Maraykanka, bishii December.

Isaiah Brown-Miller, oo 22 jir ah, kana soo jeeda magaalada Columbus, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan dilka Sheikh Maxamed Xasan Aadan oo 48 jir ah, oo muddo dheer imaam ka ahaa masaajidka Abu Hurairah ee ku yaalla magaalada Columbus.

Sheikh Maxamed Xasan Aadan ayaa sidoo kale ahaa hoggaamiyaha bulsho weynta Soomaaliyeed ee magaalada Columbus.

Intii ay hay’addaha dambi baadhistu ku guda jireen baadhitaankooda waxay sheegeen Sabtidii inay Brown-Miller u aqoonsadeen inuu yahay ka qaybqaataha labaad ee dilka imaamka.

Sheikh Maxamed Xasan ayaa la waayay 22-kii Diseembar, markii uu ka soo baxay gurigiisa.

Sida ay booliisku sheegeen. Qoyskiisa ayaa soo sheegay in la waayay maalin kadib waxaana meydkiisa laga helay gaadhi Van ah 24-kii December meel kayn ah oo ku taalla dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this