Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dhegtu Sheeko Doontaye ......

Recommended Posts

Dhabba waliba ceelkeed

 

Ummad waliba dhaqankeed

 

Dhalashana tixraaceed

 

Dhegtu sheeko doontaye

 

Dhar maxaan lahaan jiray

 

Maxaan xoolo dhaqan jiray

 

Maalintay dhannaantahay

 

Dhulka yaa u halgami jiray

 

Geesiga u dhiidhiyey

 

Yaa dhiiga kicin jiray

 

Dhinte yaa xogtiisa og

 

Taariikhda yaa dhiga

 

Dhidibkeedu waa kuma

 

Dhug u yeesha maansada

 

Hiddihiina dhaabane

 

Murtidiina dhuuxa ah

 

Suugaanta dhumucda leh

 

Hibadiina dhaladka ah

 

Dhaxalkiina weeyee

 

Dhawrta idinkaa lehe

 

 

............................. Abwaan Xasan Ganey ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Dhulka yaa u halgami jiray

Hindisihii ina Xaashi waa, lama-hilmaamaane

Duqsi waa halkuu galay raggii, huriyey duullaane

Waa halkuu Wadaad-diid  go`aan, qaatay aan hadhine

Waa hor-seedkii Koosaar wadiyo, haybsigii Madare

Waa hor-kicii Jimcaaliyo ragguu, soo hannaan baraye

Waa hoggaanki Siilaayo iyo, Tuur hankoodiiye

Waa hawshii Xassan Ciise iyo, hagar-bixiisiiye

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

Halbawlihii Lixlaa loo jar-jaray, Aadan-heegane’e

Harag-waafi iyo waa Haygu-guban, himiladoodiiye

Hay-liqin iyo waa Maxamed-cali, hadaf u oollaaye

Halyey-Aadan-shiinaan tebaa, hibadii saarrayde

Hal-doorkii Dawaarraa god galay, hoydey waa hore’e

Waa haanka dhiiggii ka baxay, hilibki Koodbuure

Waa hootadii ina Mire iyo, hiilki qarameede

Waa hubkuu aroornimo qaddimey, weerarkii hore’e

Jimcii waa haraatidi Burcoo, cadawgu haysteene

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

Hal-adayg Cabdaa loo ogaa, Hawl-kar loo qiraye

Waa halyey gadoodaye markuu, hawd ka diriraayey

Hubka lagu deyaamiyo markuu, seefta la haliiley

Hangash sirirsan mooyee la-waa, ciidan soo hadha’e

Haddaa wali lafii oo engegan, haaddu fadhataaye,

Hanadkii la-ciilaaba waa, haajiraa ficile

Waa halkuu warmaa iyo Tolwaa, qaatay hootada’e

Waa Habbane dagaalkuu la galay, hororki waallaaye

Waa hujuunki ina Kaahin iyo, holac-afuufkiiye

Waa halaskii ina Biixi dhigay, heegan-dirirkiiye

Waa hoobiyii Carab madfaca, laba-higgoodkiiye

Halgankii Bidaar iyo Malloosh, hubanti weeyaane

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

Dayib-gurey halaakaha wuxuu, helayba googgooye

Waa Hawsar Dhega-weyne ridey, maalin haliseede

Hilmaan ma leh Xaliimiyo ninkii, madhiyey, huushtiiye

Dhagax waa harraadkuu mutiyo, haarihii dhibaye

Waa xusuusta halkuu igaga yaal, Haybe Maxamuude

Halkuu shiisho Qaadiro Jantaha, muu hanbayn jirine

Cali baan habeen qudha ka ledin, gaadh habeennimo’e

Haybe-laanbad muu hoyan ilaa, guushi uu helaye

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

Waa haabadii Maxamed-casiyo, raran-hullaaqiiye

Kur-Libaaxle haamaha cul-culus, hubabki uu saydhay

Hoohiga dabkuu shiday waxay, dubatey haaway’e

Habeen-dhaladki Doolaal rag buu, dhiig ka heensadaye

Hurraa sahayday khayrkii kolkii, Diinle lays helaye

Lagu hoobey Haash iyo Sugaal, dabay hillaacsheene

Horu-socod Tallaabaa lahaa, Hoorri aan biqine

Durqun baa amlaydii la helay, haad u soo galaye

Waa hogtuu ILeeyana lahaa, Jiibab baad heliye

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

Waa heesti ina Mooge iyo, Hoobal caan baxaye

Waa Hadraawi gabayguu tirshiyo, hoga-tuskiisiiye

Hal-abuurki Gaariyaa ku ladhan, tix iyo Hawraare

Waa higgaaddi Maansadi Tarabi iyo, Cali hogtiisiiye

Halbawlahay waraabsheen tixii, Qaasin hoobalaye

Hal-aqoonkii Maygaag iyo Dixood, heelladaw baxe’e

Aqoon-yahanki haajirey Rashiid, waw horrayn jiraye

Waa halyeydi raamaha lahayd, libintay hooyeene

Lib cas bay hagoogteen xiligu, hog iyo wiilkeede

Had iyo jeer xusuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal maalaaye!!!

 

etc etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this