Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, kadib qoraal uu maanta soo saaray ra’iisul wasaaruhu.

Rooble ayaa eedeyn culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana eedaha loo jeediyey ka mid ah ku takrifal awoodeed.

“Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Ugu dambeyn wuxuu ra’iisul wasaaruhu faray hanti dhowraha qaranka iyo hay’adaha amniga inay baaris dheeraad ah ku sameeyan falka uu sameeyey wasiirka.

Shalay ayey aheyd markii Rooble uu soo soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socday wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo adayo, iyada oo dalka uu ka dhacay isbedal siyaasadeed, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu ka mid ahaa saaxibada siyaasadeed ee Farmaajo.

284005871_397182349115044_43218041857609283843665_397182572448355_90651156929358 283871383_397182392448373_40146471417088

The post DEG DEG: Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda + sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this