Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Odawaa oo ku hor fadeexoobay shacabka iyo madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa wajahaya fadeexad iyo wejigabax kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shalay qiray in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage, oo horay ugu jawaabayay eedeeyn uu madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay Farmaajo kahor inta aan la dooran ee uu mucaaradka ahaa oo ku aadaneyd ciidanka la geeyey Eritrea, ayaa beeniyay islamarkaana sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo dalka Eritrea ku maqan.

“Eritrea ayaa ciidan loo qaaday anigu ma garanayo, wasiirkana meel kaloo ciidan ka keenayo ma aysan jirin. Eritrea ciidan loo qaaday oo xoogga dalka ka tirsan anigu ma ogi taas,” ayuu yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kastaba munaasabadii xil wareejinta ee shalay ka sheegay xaqiiqda ciidankaas xili uu goobta ku sugnaa Odawaa Yuusuf Raage, islamarkaana feylashooda uu ku wareejinayay Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa fadeexad iyo ceeb ay ku noqotay Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo laga duubay beentaasi, haddana qof kasta uu daawan karo.

Baraha bulshada ayaa si weyn loo wareejinayaa hadalkii Odawaa iyo khudbadii Farmaajo ee qirashada, waxayna dadka ku maadeysanayaan hadalka taliye Odawaa.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa waxaa laga diiwaan geliyay hal-heysyo badan oo caan noqday, kuwaasoo ay ka mid yihiin “Wiilkeygiyoow dhiiqaa lugaha laguu geliyaabaa,” iyo erayo kale si weyn baraha bulshada looga adeegsado.

Waxaa hadda muuqata in Odawaa dhiiqo lugaha loo geliyey, ooh adda uu yahaya qofka ceebeysan ee beenta u diiwaan gashay.

Hoos ka daawo Odawaa

What an embarrassment!!!

If indeed Gen Odawa was aware or not aware of the training of Somali troops in Eritrea, then he doesn’t have the credibility & competence to be the head of our army.

A facade that was built on lies and deceit has eventually crumbled. pic.twitter.com/HV2AlAH7lt

— Ahmed Abdullahi (@AhmedAbdullahi_) May 23, 2022

The post Taliye Odawaa oo ku hor fadeexoobay shacabka iyo madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this