Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la-taliyaha amniga qaranka, isaga oo  u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud oo horay xilkan u soo qabtay.

La-taliyaha la magacaabay ayaa wuxuu  baddelay Fahad Yaasiin Xaaji oo xilkan hayay, waqtiyadii ugu dambaysay uu u magacaabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xuseen Shiikh ayaa ah asaasaha machadka daraasaadka amniga Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, waxaana muddooyinkii dambe uu gacanta ku haayay machadka Hiiraal.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta magacaabay sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka iyo ku-xigeenkiisa, waxaana loo magacaabay laba Senator oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this