Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Rooble oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.
Rooble intii uu joogay Imaaraadka Carabta , waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaas oo 15-kii bisha May 2022 labada gole ee Baarlamaanku u doortay inuu hoggaamiyo dalka.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada, waxaana sanadkaan weli  di’in roobkii Gu’a.
283329470_396560685843877_45066352210767
281749432_396560732510539_74449162310281
282861071_396560749177204_35350749433173
281888358_396560812510531_57474920921455
282749234_396560802510532_77534402686931
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this