Deeq A. Posted May 23, 2022 Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulan ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah. Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo xaalada guud ee dalka. Axmed Madoobe ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb gashay doorashadii madaxweynaha dalka oo 15-kii May labada gole ee Baarlamaanku uu ku doortay Xasan Shiikh Maxamuud inuu hoggaamiyo Jamhuuriyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites