Deeq A. Posted May 23, 2022 Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in dhamaan laga noqday go’aannadii shaqada looga joojiyay shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda tan iyo bilawgii sanadkaan. Rooble ayaa sheegay in dhamaan shaqaalihii shaqada laga joojiyay tan iyo bilawgii sanadkaan oo dalka uu ku jiray xaalad kala guur ah looga baahan yahay in shaqadoodii ay ku soo noqdaan. Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sidoo kale faray in shaqaalaha ay qabsadaan shaqadooda, si howlaha wasaaradda ay u socdaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites