Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Xukun Xabsi Ah Ku Ridday Wariyayaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda gobalka Maroodi jeex ee Somaliland ay xukunno kala duwan ku ridday wariyayaal saddax ah oo horay ciidamada Somaliland ay u soo xireen.

Go’aan ka soo baxay maxkamadda Somaliland ayaa lagu xukumay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdi Ilig oo ah milkiilaha MM TV iyo Cabdijibaar Maxamed  oo kamid ah wariyayaasha Horn Cable ayaa lagu xukumay min sanad iyo afar bil oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in xuriyaddiisii la siiyo wariye Cabdiraxman Indha Cade oo isna ciidamada Somaliland ay horay xabsiga u dhigeen.

Wariyayaashaan ayaa la soo xiray xilli ay tabinayeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga hargeysa bartamihii bishii hore ee April.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this