Jacaylbaro Posted September 22, 2008 Waxa Tirisay Bushaaro Cali Baando London UK Salaamu calaykum dhamaan ummadda soomaalida ah ee ku kala nool baallaha adduunka waxaan halkan ku soo bandhigayaa maanso ka hadlaysa dhibka jaadka kolay waa aragtidayda inta aan anigu is idhi waad ka sheegi kartaa waxaana laga yaabaa inaan wax badan ka tagay ama aanan gaadhsiin halkii ay ahaayeen tixda magaceeda waxa la yidhaa Dhaawac waxay soo baxday 13/09/2008: Faysaloow dharaarahan bulshadeeni dhacantoo qaadkay dhilanayaan baa dhibaatada u gaystoo dhalinyariyo waa yeel maskaxdoodii dhaawacay dhaqaalihiina kala tagay dhibtuu qaadku leeyahay waa kumaankun iyo dhawr mana wada dhammayn karo anigoon ku dheeraan dhawr aan tilmaamee imisuu dhantaaloo isagoon isdhaadayn been intuu u kala dhigey dhisa dabaqyo aan jirin imisuu nin dhumuc wayn dherer iyo laxaadba leh Ilaahay dhammaystiray dhaqashada u diido maanta dhereran suuqyada imisuu dhallinyaro ubax laba ku dhololaan dhabaleexsan mariyoo marfashyada ku dhuuntoo dhana laba ******* geesna aan u dhicin weli Imisaa is dhaafoo Noloshaba ka dhacayoo Dhaxantiyo dabaylaha dhawr sano markuu waday wuxuu maal dhaqaayiyo ka dhamaystay lacagtii illeen waa u dhuuntee dhib yaraan ku yidhi hadal imisuu nin dhaqan wacan aaminimo ku xeel dheer dhulka uu lagalayoo dhabbadii ka leexshoo dhishay laanta faraqa leh. dhadhamadii horeetaba dabin uu u dhigayoo dheef mooday geedkoo ka dhergoo intuu cunay dhakafaar ka qaadoo dhankii u ka yimi iyo dhabadii ka weecshoo cidla kaga dhaqaaqoo soo dhaafin gaydhkoo walina dhoof kuu siijira dhibta kalee uu leeyahay inta reer dhaqnaydee dhisnayd ee wacnaydee hadal kala dhex galayee qaadku kala dhantaalee dhibayee wax yeelee intuu kala dhaqaajee sabarayt ka kala dhigay dhawr kun way ka badan tahay. hadaan dhuggano meel kale dhibta taa kasii wayn inta laga dhaqaaqee furriin loo dhameeyee lagu nacay dhallaankaa cadadkoodu dhumayoo dhanna haysan maantoo dhaygagoodu badan yahay dhulka way ka buuxaan rabi dhawra mooyee dhawaaq way ka quusteen dhibta qaadkuu leeyahay anigoon ku dheeraan dhawr aan tilmaamee dhirtan ruuxa daaqaa marka uu kusoo dhaco ee uu dhiibto lacagta dhufsashada horeetaba farxadbaa ku dheehanoo waa uu dhabaabeceyaa dhankalena ma egee dhab wuxuu u adaa halkii uu ku dhilan lahaa kuna soo dhamayn laa waa dhul loogu talo galay waa hoygii dhibaatada oo gogol lasii dhigay dhinacay isi saaraan maskax lagama dheefee muranbaa dhex yaaloo dhawaaqoodu waa xoog dhib kalaa se dacal taal dhawrkii daqiiqaba waysasoo dhimaayoo ninka xiga dhankiisuu ku dhurayaa warkiisii ka kalena dhagaysiga dhaguhuu u weelayn dhehe iyo dhegeystaa isu dhiibta sheekoo war is dhaafsankaraye waxa la isku dhuro oo laysu kala dhagays taba dhan kastaba ha noqotee marka ay dhamaystaan ee faraha laga dhigo fekerbaa ku soo dhaca. siduu dheeman haystoo ama dhaqaale xoog badan wax uu dhisaa fooq iyo dabaqyo dhaadheer dhulka siduu ka taliyuu marba dhinac u guuraa dhabo wuxuu ka jeexdaa dherer iyo ballaadhba leh bustaan buu dhex joogaa dhirto midhaha bixisoo muha uu dhexyaaliyo dhaldhalaalka beenta kaga dheregyey daymada hadba dhinac u sii raac hurda kala dhaqaaqoo wuxuu dheelmadaa goor ay saq dhexe tahay dhankanuu u seexdaa dhanka kale ku eega marba dhinac u jeestaa dhibsadaa ka toosaa riyo lagu dhar dhaaraa qarow uu u dheeryahay isagoo dhibtaa qaba eedaan lagu dhuftaayoo waagu soo dhalaalaa madhagaysto taasoo ma dhugtaan dareemuhu waxkalaa ku dheehane goor lakala dhaqaaquu isagoo dhan dheero leh dhibsanaya hadalkaba qaadirana u dheertahay halkii uu ku dheelmaday uu ka sii dhaqaaqaa beentuu dhisaayaa dhab ukala cadaatoo runta la isma dhaafshee dhalanteed ka noqotoo dhibtiisuu dareemaa geedku waa dhibadan yee alla ha ina dhaafshee aamin mar wada dhaha waageed na dhaawacay bulshadiina dhalan rogay dibna waa ka noo dhigay dhaqankaan lahayn iyo xishoodkana na dhaafshee kartideeni dhumiyee alla ha ina dhaafshee waa geed dhibadano dhaqtaradu ka doodaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Prinz Posted October 2, 2008 Good stuff, abti. Quote Share this post Link to post Share on other sites