Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Rayaale  wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Daahir Rayaale  wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn

bashiir.jpg
Daahir Rayaale Kaahin wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn, in badana ay xukumada kulmiye ugu been abuurto xisbiyada Mucaaradka gaar ahaana xisbiga Wadani.
1. In aanaan hanayn doorashadii 2017 oo aanu weli hibanayno.
2. Iyo In aanaan kala qaybgelin xukuumada dabaaldega 18may.
Labadan qodob labaduba waa labada uu ku marag furay Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin.
In hogaanka Kulmiye in badan hadal hayo doorasho laga joogo 19 sanadood oo lagaga guulaystey, taas oo ah in aanay doorashadaa ka samrin.
Iyo ta labaad oo iyana ah in hogaanka kulmiye, Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin aanay Madaxweyne Daahir Rayaale weligood kala qayb gelin xaflada 18 may.
Mararka ay shirar qaran oo somaliland dibada ku lahayd diideen ka qaybgalkooda iyo taageeradoodaba.
Qodobka 3aad na anigu aan raaciyo waana ceebta u weyn ee kulmiye leeyahay hadana cid kale ku dhaliilo.
Waa kala qaybinta bulshada iyo qabyaalad cad oo toos ah.
Markii somaliland laga bilaabay hanaanka xisbiyada si looga maarmo haybta qabiilka oo dalku xisbiyo isku abaabulo.
Xisbigii u horeeyey ee beelnimo dadka geliya, xisbigii u horeeyey ee beeli ku biirtay wuxu ahaa kulmiye.
Xisbigii u horeeyey ee isku dara xildhibaanada qaranka ee 3 da xisbi iyagoo isku beel ahna xero u wada ooda, ugana faa’iidaysta inay u midoobaan taageerada Axmed Siilaanyo waxay ahayd 2008, waana xildhibaanadii qabtay shirkii Garadag oo kulmiye daaha dabadiisa ugu jirey.
Todobyaadii ina dhaafay ee bisha may horaanteedii 2022 waxaynu baraha bulshada ku arkaynay xildhibaano laba ardaa oo somaliland ah ka soo jeeda oo la yidhi waxay ka ariminayaan hogaanka xisbiga kulmiye, hada xildhibanadaasi ma ahayn kuwii kulmiye keliya waxay ahayen 3 dii xisbi ee beelaha xulafo wadaagta ku ah kulmiye.
Marna waa risaaq marna waa rashiid dadka kale ma rooti baa!
Weedhaasi waxay soo shaac baxday xukuumadihii rayidka ahaa ee lixdamaadkii oo cabdirisaaq xaaji xuseen iyo cabdirashiid cali sharma’arke isaga dambeeyey raysalwasaarenimo iyo talada wadanka iyagoo isku beel ahaa.
Xisbiga kulmiye wuxu ku ololeeyey Jeegaan laba beelood ah inta kalena ogolaysiiyey inaan qofkale han sare ka yeelan karin kulmiye.
Xisbiga laba jeer lagu doortay jeegaan qabiil ku dhisan hadana mar saddexaad la soo shir tegaya weeye xisbiga kulmiye, xeerarkiisa aan qornayna(unwritten law) ay ku jirto inaan cid kale geyin kursiga gudoomiyaha kulmiye iyo sidoo kale madaxnimada dalka xisbigaas baa kitaabkii xoorkii Cabdikariin Xinif isagoo dhex galgalanaya xadladii kulmiye ka lahaa Cirro beelo gaar ah buu maagay.
Dadka kale ha joogee maxaad dalabow ii maagtay.
Xisbiga wadani waxa gudoomiye ka ah Xirsi Cali xaaji xasan oo tacabkiisa, kartidiisa iyo xisbiyahan nimadiisa ku helay kursiga u sareeya.
Miyay dhici kartaa Kulmiye in hebel kastuu yahay iyo haybad kasta uu leeyahay inuu gudoomiye ka noqon karo nin aan ka soo jeedin labada beelood ee metelaya midabka Calanka xisbigu ka kooban yahay gacmaha isa salaamayana ku gudoon saday inaan taladu weligood iyo waqood labadaa beelood dhaafin.
Hada anigu labadaa beelood weliba ta siyaanada koowaad isu tirinaysa baan ka soo jeedaa.
Lakin Cadaalad daradu ima deeqdo.
Wallee ina ragow tallo aduun taada qudha maaha.
W/Q Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cumar Gelle

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this