Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: FAHAD YAASIIN Oo Ka Dhoofay Muqdisho Kahor Xil Wareejinta FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saaxiibkiisa gaarka ah xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Fahad iyo saaxiibkii ayaa saaka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airline oo Maanta safar toos ah ku tageysay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ma cadda hadiii Istanbul ay ku hakan doonaan oo kaliya iyo haddii safarkoodu halkaas yahay.

Waxaan sidoo kale aan caddayn haddii in Fahad uu si toos uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya iyo inuu ku soo laabanayo, balse waxaa la sheegay inuu saaxiibadiisa dhow dhow u sheegay inuu safar gaaban galayo uuna dib usoo noqonayo maalmo kadib, balse lama xaqiijin karo run ahaanshaha hadalkaas.

Safarka Fahad uu maanta kaga baxay Muqdisho ayaa kusoo aadayo maalin kahor inta uusan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin xafiiska.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gacmo madhan kasoo istaagay loolankii siyaasadda Soomaaliya ee muddada soo jiitamayey oo dhinac kasta lagaga adkaaday.

Waxaa isaga shaqsiyan laga hor-istaagay inuu noqdo xildhibaan, taasi oo dhabbaha usii xaadhi laheyd inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay sharci-darro ku qeexeen habkii loogu soo doortay Beledweyne.

Inkasta oo guddiga ay ku dhegeen, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ahaa qofkii ka dambeeyey in Fahad loo diido xildhibaannimada.

Waxaa kadib isaga iyo madaxweyne Farmaajo lagaga adkaaday loolankii guddoonada laba aqal ee baarlamanka, oo dhammaantood ay kusoo baxeen xubnaha mucaaradka.

Albaabkii Fahad iyo Farmaajo ayaa ugu dambeyn soo xidhmay markii madaxweyne Farmaajo lagaga adkaaday doroashadii madaxweynaha, taasi oo xaqiijisay in shan sanno kadib ayna wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.

Ma cadda hadda qorshaha xiga ee Fahad, oo lagu yaqaan inuu yahay nin xariif siyaasadeed ah, oo hore ugu guuleystay inuu soo saaro ama wax ka dhiso laba madaxweyne; Xasan Sheekh 2012, iyo Farmaajo 2017.

Waxaan sidoo kale caddeyn halka uu ku dambeyn doono kursiga xildhibaan ee Fahad laga hor-istaagay ee HOP086 oo weli aan go’aan laga gaadhin.

Sidoo kale, safarka Fahad ayaa kusoo beegmaya xilli Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu doonayo inuu qaato kursiga HOP086, waxaana jiro qorshe mar kale lagu qabanayo doorashada kursigaas, oo uu baarlamankii 10-aad ku fadhiyey Faarax.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this