Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo ka sanqadhiyey Laba Jid oo Muuse Biixi furan Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo ka sanqadhiyey Laba Jid oo Muuse Biixi furan Maanta
Madaxweyne Biixi da’da uu maanta joogo iyo quruxda muddo xileedkiisa gebogebada ahba waxaa ay sharafi ugu jirtaa doorashada oo uu waqtigeeda ku qabto, iyo in uu odaynimo iyo waayeelnimo ku dhammeeyo wixii la isku khilaafsan yahay. Si aynu u noqonno Somaliland isku duuban, degenaanshiyo siyaasi ahi ka jiro, dunida la garnaqsata, geeddiga horumarka iyo dhismaha qarankuna ka sii tisqaado.
Waxa se barbar yaalla, jidka ay cid kasta oo Somaliland jeceli kaaga digayso oo ah, Somaliland muranno siyaasadeed lugaha la gasha, dib u dhac doorasho, dunida aynu danaha qaran ka leenahay oo dhabarka inoo jeedisa, iyo umaddaada oo aad dhex dhigto isnac iyo kala fogaanshiyo.
Waa mugdi iyo ayaandarro aad sababi doonto in Somaliland dib u noqoto, xilli Soomaaliya oo aynu geeddi 30 sanno ah ka horreynay ay maanta doorashooyin hufan qabsatay, diyaarna u tahay maalgelin iyo kaalmooyin horumarineed dunida ka hesha, una kolonyeysato dhinaca horumarka iyo dhismaha dawladnimada.
Maalinta Soomaaliya ina sugto si aynu u soo gaadhno, saw xaalkeennu faan beenoobay noqon maayo.
Labadaas jid ayaa hadda u furan Somaliland, cidda maanta u kala dooraysaana waa Madaxweyne Biixi, isagaa og jidka uu dooranayo, laakiin anigu waxa aan ogahay in midhaha ka dhashaa macaan iyo qadhaadhba, masuuliyaddeedu guudkiisa saarantahay.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani
Khadar Xuseen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this