Deeq A. Posted May 22, 2022 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in deeq-bixiyaasha Caalamku ay dib u bilaabi doonaan kabka miisaaniyadda Soomaaliya oo mudda go’naa. Wasiir Beyle ayaa sheegay in kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Shiikh uu kulamo kala duwan la yeeshay hay’adaha dunida islamarkaana ku guulaystay soo celinta kabkii miisaaniyadda ee laga jaray dalka. “Kabka miisaaniyaddu waa furmayaa, waa loogu talagalay wax dhibaato ah iminka inaga soo gaarayana ma jiraan, kaliya waxaa dhiman in la bilaabo oo meeshooda la geeyo, arrintaas ayaa bilaabatay” ayuu yiri Beyle. Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wasiir Beyle ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo dhinaca fogaan-aragga ah la yeeshay mas’uuliyiinta hay’adda IMF iyo baanka Aduunka. PUNTLAND POST The post Dhaqaale laga jartay Soomaaliya oo dib loo soo celinayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites