SayidSomal Posted July 30, 2008 1. Cismaan Yuusuf Keenadiid (1895-1972) : Wuxuu ahaa abwaan fikrad dheer. Filosoofi xikmad badan oo ka dhaqan duwanaa dhamaan abwaanada Soomaaliyeed. Marxalado nololeed ee kala duwan ayuu la kulmey. Cismaan Yuusuf, sida badan wuxuu ka hadli jiray dhaqan-wareega ku socday umadda Soomaaliyeed. Wuxuu difaaci jiray hiddihii wanaagsanaa ee soo-jireenka ahaa oo Soomaalida u dhaqanka ahaa. Islamarkaa wuxuu dadka ku wacyi gelin jiray in ay ummad ahaan isu ururiyaan. Cismaan wuxuu si buuxda uga gaabsaday gabeyada godobta ah ee qabiilka ku saleysan. Wuxuu ka fogaadey suugaanta beelaha lagu weerarayo ama lagu difaacayo. Aragtida uu xambaarsanaa ee ahayd mid ummadeed, waxaa tilmaamaya gabeyadii uu bulshada kula hadli jiray. Arintaas ayuu ku muteystay, xarumaha dhaqamada ee caalamka, in looga aqoonsado Aabihii Dhaqanka Soomaaliyeed (Father of Somali Culture). Suugaantii uu bulshada kula hadlayay sanadihii 1950-aadkii, waxaa kamid ah tixahan : War Soomaali leyntiyo fitnada amase leystaanta Laqdabada ku wada saabsan iyo lahanka uurkooda Iyo Lillaahi gaabidu wixii lumiyay weeyaane Iyagaa Libaaxyo isu noqon oo is laariyiye Midba inuu walaalkiis legduu leebyada u tumane In laftood jabeysiyo ma oga le'ashadoodaase Shisheeyaha lalabayaa dadkii qaarki leexsadaye Liicsade nasaaradu intey loodin karayeene Liiradiyo shilinkaa ka ridey lun iyo haadaane Haddey Liiggu suu yiri maqlaan luri ma gaarteene Laqantooyo iyo daallinimo libin ma moodeene Luqmad ay cunaan iyo arlada lacag ma siisteene Uma laleymeen ceeb intey luqunta saartaane Laxaad uma noqdeen gaaladii nagu lidka ahayde Madaalyada xunoo laga lulluli lib uma qaateene Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted July 30, 2008 2. Cabdullaahi Suldaan (1920 – 1973) : Abwaanka oo ku magac-dheer Tima-cadde, ayaa wuxuu kamid yahay abwaanada caan baxay ee tusaalaha waawayn uga tegey umadda. Wuxuu kamid yahay abwaanada suugaanta ku difaacay qarannimada bulshada Soomaaliyeed iyo madax-bannaanideeda. Isku si ayuu u tilmaamaya cadwga dibadda ee weerarka ku ah jiritaankooda, iyo aragtiyaalka guracan ee umadda bur-bur ku keenaya. Isagu wuxuu ahaa ninkii ka gabyey calankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee loo taago madax-bannaani gobol Soomaaliyeed. Gabeygaas oo bulshada dhexdeeda ku caan baxay, wuxuu ahaa (Kana siib kana saar). Gabeyada abwaanka, waxaa kamid ah maanso uu Soomaalida kala hadlayay qadiyadda foosha xun ee qabyaaladda. Goor hore ayuu tilmaamay shiddada ay leedahay iyo nafac la'aanteeda. Waxaa tixaha gabeygaas kamid ah : Dadkan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarey Wixii horey u soo daashadey degashaneysaaye Doc haddey u wada jeedsatoo dhowrto danaheeda Oo duul walaala ah tahoo duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene weys dabar-jareysaane Duba madaxa weys kala dhacdaan daayin ebidkiine Goortey is wada dooxataa daad u soo geliye Ubadkiini waad daadiseen waadna dubateene Dubaaxdiisi waataad cunteen duhur dharaartiiye Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela'e Nin ka dudey dastuurkiyo waxyiga diinti ka carowye Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted July 30, 2008 3. Maxamad Ibraahin Warsame (Wuxuu dhashay sanadkii 1943-kii) : Abwaanku wuxuu ku magac-dheeryahay Hadraawi. Waa aqoonyahan ku caan baxay waddaninimo iyo Soomaali-jacayl. Suugaanyahan calanka u qaadey far-shaxanka af-soomaaliga. Abwaanku wuxuu ku soo caan baxay hal-abuuro uu curiyay bilowgii sanadihii 1970-aadkii. Waxaa xilligaas soo kordhayay baraarugga ummadeed ee xagga siyaasadda. Maansooyinka abwaanku uu xilligaas hal-abuurey, inta badan waxay astaan u ahaayeen caashaq. Laakiin waa ay dahsoonaayeen oo waxay ahaayeen kuwo mucaarid ku ahaa dowladdii kacaanka. Isla markaas wuxuu ku baraarujinayay dad-waynaha. Arimahaas ayuu abwaanku sanado xabsiga ugu jiray. Gabeygiisii Dur-dur ayaanu tixo ka soo qaadaneynaa : Ma ogtahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye Ma ogtahay sur-suur daaban baa dabinku yaalaaye Ma ogtahay dalluun baa ka qodan doox horteena ahe Ma ogtahay xadhkaha daadsan aan lana dareemeynin Ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneynin Ma ogtahay mid kula doodayoo kuu dan laa jira'e Ma ogtahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e Ma ogtahay digtoonaan la'aan dacar inaad leefi Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted August 1, 2008 What had happened to poem/somali literary appreciations society? mise afki ba lumay? if that is the case - who are resident translators? Quote Share this post Link to post Share on other sites