Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee la geeyey dadkii ay ciidanka ATMIS kasoo wateen SH/DHEXE?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka ATMIS ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo ay ku xireen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaataday Caasimada Online dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ehellada ragga lasoo qabtay ayaa dalab u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in loo soo daay, wiilashadooda, iyaga oo iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ciidamada ATMIS looga dilay askar badan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

The post Halkee la geeyey dadkii ay ciidanka ATMIS kasoo wateen SH/DHEXE? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this