Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan oo ku booriyay Sweden in ay joojiso taageerada kooxaha argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku booriyay Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson in ay qaado tallaabo dhab ah oo lagu soo afjarayo taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed ee kooxaha argagixisada ah.

Erdogan oo khadka taleefoonka kula hadlay Andersson ayaa yiri “taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo hub ee Sweden ay siiso ururada argagixisada waa in la joojiyo”

Turkiga ayaa ku hanjabay in uu hor istaagi doono doonista Sweden iyo Finland ay ku rabaan in ay xubin ka noqdaan isbahaysiga NATO, isagoo ku eedeeyay labada dal in ay taageeraan xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers’ Party (PKK) ee ku jira liiska ururada argagixisada ee Ankara iyo xulafadeeda reer galbeedka.

Erdogan waxa uu sheegay in Turkigu uu Sweden ka filayo in ay qaaddo tallaabooyin dhab ah oo muujinaya in ay Turkiga la wadaagto welwelka Ankara ee PKK iyo faracyadeeda dalalka Ciraaq iyo Suuriya, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Erdogan oo ku booriyay Sweden in ay joojiso taageerada kooxaha argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this