Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysa xadhiga Aare Saleebaan Cowleed Aare.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed 21/05/2022

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysa xadhiga Aare Saleebaan Cowleed Aare.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaraysa xadhiga lagula kacay Aare Saleebaan Cowleed Aare oo booliska Somaliland 20/05/2022, Gebilay ku xidheen.

Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda degan oo ku nool Somaliland gaar ahaan magaalada Gebilay. Aare xadhigiisa looma marin sifo sharciga waafaqsan.

Sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen xadhigiisa waxa uu la xidhiidha haddalo uu maalmahan baraha bulshada u marinaayey madax weynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Xaruntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale majiro wax mucaahado caalami ah oo dhex maray Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha toona.

Sidoo kale Qodobka 35 (3) ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa “Jamuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa danbiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamuuriyadda Somaliland iyo dal ka waydiistay celintiisa”

Ugu danbayn xaruntu waxay dowladda jamuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si dhaqso ah xoriyadiisa ugu soo celiso Aare Saleebaan Cowleed Aare, isla markaana xaqdhowrto oo tixgaliso dastuurka dalka u yaala.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this