Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqtiga Xilwareejinta Madaxweynaha oo Lagu Dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynihii hore ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta  markale  kulan     is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.
Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.
Guddiga Qabanqaabada ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynahii 9-aad ee Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad  Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this