Deeq A. Posted May 21, 2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maata la kulmay Shiikh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xaaladda dalka, xilli dhowaan Muqdisho ay ka dhici doonto xafladda xil-wareejinta madaxweynaha Soomaaliya ay ku kala wareegayaan Farmaajo iyo Xasan Shiikh Maxanuud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay madaxda kala duwan ee Dowladda dhexe Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, kuwaasi oo uu kala hadlayay xaaladda dalka iyo wadashaqeynta dhinacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites