Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday in la booqdo iyo xubno gurigiisa ugu tegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku dhowaad afar sano u xirnaa dowladii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda.

Dadka u tegay Sheekh Mukhtaar waxaa ka mid ah siyaasiga Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan xisbiga Mukhtaar Roobow ee amniga iyo cadaaladda.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay hadda fiican tahay, isla markaana ay rajo badan ka qabaan in dhowaan lasii daayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen in Sheekh Mukhtaar uu Jaamacad dhigto, balse wuxuu tilmaamay in markii ay u kuur galeen noloshiisa uusan u muuqan nin ay $7 kun ku baxdo bil kasta, sida ay horay u shaacisay hey’adda NISA oo gacanta ku heysa.

Sida aan xog ku helnay NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed ugu xiraa nimaadkii Farmaajo.

Dhamaadkii sanadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

The post Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday in la booqdo iyo xubno gurigiisa ugu tegay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this