Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulan saddexaad ku yeeshay Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1653143321777.jpg?resize=720%2C55

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

FB_IMG_1653143313236.jpg?resize=720%2C50 FB_IMG_1653143324970.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1653143328861.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1653143305055.jpg?resize=720%2C52 FB_IMG_1653143334423-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1653143318669.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1653143315764.jpg?resize=720%2C52

PUNTLAND POST

The post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulan saddexaad ku yeeshay Madaxtooyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this