Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin xiiso leh:Hal Nin oo keligii ku dhex mudaharadaya dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin:Hal Nin oo keligii ku dhex mudaharadaya dalka Ruushka

Image shows businessman painting

Haddii aad siddeed saacadood ku dhawaad gaadhi u kaxaysato waqooyiga Moscow, waxaad iman doontaa magaalo ya oo la yidhaahdo Russko-Vysotskoye.

Ma jiraan wax weyn oo halkan lagu arko, marka laga reebo beertii digaagga iyo kaniisadda lagu soo koobay burburka dagaalkii labaad ee aduunka.

Laakiin waxaa jira hal shay oo magaaladan ka jira oo si gaar ah indhaha u soo jiidaya: xarunta wax iibsiga ee deegaanka.

Dmitry Skurikhin ayaa iska leh dhismahan – waana inaad aragto waxa uu ku sameeyay xagga hore ee dhismihiisa.

Waraaqo waaweyn ayuu ku sawiray “Nabadda Ukrayn, Xoriyadda Ruushka!” Rinjiga casaanka ah wuxuu ku taxay magacyada magaalooyinka Yukreeniyaan ee ay weerareen ciidamada Ruushka.Mariupol, Bucha, Kherson, Chernihiv, iyo kuwo kale oo badan.

Image shows building with protest

“Waxaan u maleynayay in tani ay tahay hab wanaagsan oo lagu helo macluumaadka halkas ka jira,” Dmitry ayaa BBC-da u sheegay.

“Sababtoo ah dhowrkii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalkan, dadkeennu ma garaneyn waxa dhacaya, waxay u maleeyeen in nooc ka mid ah howlgal gaar ah oo lagu doonayay in dadka balwadda leh looga saaro dowladda Ukraine, ma aysan ogeyn in Ruushku uu duqeynayo Ukrain iyo magaalooyinkeda.”

 

Dmitry ayaa xitaa saqafka sare ee dukaankiisa u rogay calan weyn oo huruud iyo buluug ah oo Yukreeniyaan ah.

Intii aannu la joognay waxa uu ku daray magacyadii magalooyinka ku qornaa meesha magacyo hor leh.

Image shows protester painting wall

Borodyanka, Odesa, Irpin… qoraalka magaalaooyinks rinjiga xaddhaafka ee ku qoran ayaa hoos uga dareeraya darbiga, taas oo ka dhiig cas, gudbinaysana farriin cad.

Dmitry wuu ogyahay in waxa uu samaynayo aanay khatar la’aan ahayn. Ruushka mudaaharaadyada dadwaynaha ayaa inta badan ku dhamaada dacwad-ku qaadid ama hanjabaad ama labadaba.

Qof ayaa mar hore albaabkiisa ku xardhay “khaa’in” Waxayna booliisku sameeyeen inay soo booqdaan. Ka dib waxaa lagu ganaaxay inuu sumcadda ka dilay ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

Dmitry se waa mid aan waxaas u joojinayn.

Image shows businessman

“iskama fadhiyi karin aniga oo aan xaaladdan wxba ka qaban karin. kolkaa arrintani waa dareen gudeed oo igu jira, kas oo aan ku qeexayto waxa aan dareemayo”

Kremlin-ka waxa ay jecel yihiin in uu u muujiyaan in madaxweyne Vladimir Putin uu yahay hoggaamiye ay taageerayaan dadkiisa.

“Haddii aad waydiiso dadka halkan jooga, ma waxay taageersan yihiin dagaal u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, oo lagu duqeeyo magaalooyinka, oo lagu daro dhammaan cawaaqibka sida saboolnimada iyo gaajada, waxay odhan lahaayeen: ‘Ma waalan tahay?!'” Dmitry ayaa yidhi.

Image shows shopping centre with painted protest

Bannaanka xarunta wax-ka-iibsiga, waxaan ku weydiinnay dadka ag maraya sida ay u arkaan mudaaharaadyada rinjiga ah ee Dmitry.

“Waxa ay ahayd in uu sawirro ku sawiro, sidani waa doqonniimo” ayuu yidhi qof ka mid ah dadkii.

Qofka ku xiga ee aan weydiinno waxa uu noqday Dmitry, macallinkiisii maaddada bayoolijiga ee dugsiga 87 jir ah.

“Ma jiro qof doonaya dagaal, weli waxaan xusuustaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayay tiri Maria Nikolaevena. “Laakin wax walba aad bay u wanaagsan tahay in la yidhaahdo dooni mayno dagaal. Waxaa laga yaabaa in dawladeenu si fiican u garanayso taas.”

“Waxa uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa dhiibto,” ayuu yidhi nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Anton. “Anigana waxaan ka walwalsanahay, sidoo kale, arrimaha Ukraine, sababtoo ah weerarrada, bamgaraynta waddan deris ah ah waa wax la yaab ay tahay in la sameeyo.”

Dmitry Skurikhin wuu ogyahay in rinji uusan keenayn nabad.

Laakiin haddii mudaaharaadkiisu uu dadka magaalada ku nool ka dhigo mid u soo joogadaan, ka fikiraan, xitaa su’aal iska weydiiyaan waxa dhacaya – wuxuu rumaysan yahay – inay qiimo leedahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this