Deeq A. Posted May 21, 2022 Dowladda Ethiopia ayaa todobaadkii hore xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa jimcihii shalay maxkamad la hor-keenay kadib markii todobaadkii hore loo xiray arrimaha siyaasadeed. Jeneraal Tefera wuxu soo noqday taliyaha ciidanka Amxaarada tan iyo bishii February ee sannadkan markaas oo xilka laga xayuubiyay. Tefera Mamo ayaa wareysi uu Axaddii hore bixiyay wuxu ku dhaliilay istiraatiijiyadda dagaal ee Abiy Ahmed ku wajahayo xoogagga Tigray ee TPLF. PUNTLAND POST The post Dowladda Ethiopia oo xabsiga dhigtay jeneraal caan ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites