Kulmiye Posted June 16, 2008 Baxsane: Bismilahi waa erey Hadal lagu bilaabo lagu bariidiyo aqoonta ama dhiiringelin walalnimo adna sida bilicda roobkiyo badhtamaha madheedhkiyo Baxsaneey Hargeysan Ka soo bidhaanshe dhanka bariga hawdkiyo Baxsan ma isku aragteen? Samsam: "Biloow bisinbkaa u wayn Aqoon barasha ka weyn" Baxsanoow ku eegoo Beerkay aada ku wayn Mar intaan waagu blig odhan Maad timaadid baradii jaceylka Iyo beledkii qurxoona Ama beeraha canabku Isi-sudhay caleemaha Deegaanka barwaaqada Intaan dhigano gogal laseexdiyo Badda ma is ag taagna? Baxsane: dhulkoo meel barwaaqa ah oon laheyn bad iyo wabi dhirtu ay ku badan tahey beryo laydhsi loo tago buurta gacan libaax ku yaal beydka raaxada makusoo baraayoo bariba ma isu raacnaa xiisuhu ma ba'ayee hadaad bixi adoon bogan jaceyl be nabadee makusii balamiyaa Samsam Kaa waaban maayo Afka ruux gar-waaqiyo Waan kuu ogsoonahay Waxad aniga ii tahay Haddii aan gadaal gashaanka fiirsado Sabo lagu negaadiyo inaan geyno aayaha oo nugaal u badheedhno sama-falka Aadan iyo Xaawa By: Kulmiye Quote Share this post Link to post Share on other sites