Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad Jimcihii gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Bukhaari ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyinta degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha xasilinta ee gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray fal dambiyeedyada ka dhaca Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noq noqday falalka ammaan dari ee ka dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi oo ay ka kala arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

The post Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this