Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Koonfureed oo ka tarxiishay Dalkeeda labo basaas oo ka socday Joe Biden+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuuriyada Koonfureed oo tarxiishay labo basaas oo ka socday Joe Biden

US President Joe Biden disembarks from Air Force One during his arrival at Osan Air Base in Pyeongtaek, South Korea

Labo nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la saaray diyaarad dib ugu celisay dalkooda kaddib markii ay ku lug yeesheen “muran buuq dhaliyay” oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Raggan – oo qayb ka ahaa wafdi hor dhac ah oo Madaxweyne Biden uga sii hor maray Kuuriyada Koonfureed oo uu dhawan booqasho ku tagayo – ayaa cabitaan u doonto baarar kala duwan oo khamriga lagu cabo, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.

Mid ka mid ah labada xubnood ee ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu muran gacan ka hadal watay la galay darawal Taksi oo maxali ah.

Ma jirin cid la qabtay ama loo xiray arrintaas balse booliska magaalada Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay dhacdada.

“Hay’adda sirdoonku way ka war qabtaa in ay dhacdo aan shaqada ku saabsanayn ku lug yeesheen labo ka mid ah shaqaalaheeda, taasoo noqon karta ku xad gudub nidaam”, ayuu yiri afhayeen u hadlay laanta Sirdoonka Mareykanka oo bayaan soo saaray.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in labada nin ee shaqaalaha ahba loo diray fasax uu maamulka ka warqabo, maqnaanshahoodana uusan saamayn ku yeelan doonin safarka Mr Biden.

Socdaalka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagayo Seoul ayaa noqonaya lugta koowaad ee booqasho afar maalmood ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, xilli uu gobolkaas kusii kordhayo walaaca laga qabo awoodda militeri ee Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

 

Secret Service agent

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta ay BBC-da bah wadaagta yihiin ee Mareykanka ku taalla, CBS News, in labada xubnood ee sirdoonka ka tirsan – oo kala ah wakiil khaas ah iyo khabiir amni – loo diray dalkooda hooyo galabnimadii Jimcada ee maanta.

Waqtiga la tarxiilay ayaa ahaa qiyaastii hal saac ka hor inta uusan Madaxweyne Biden booqashadiisa rasmiga ah ku tegin caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Sida ay tebisay warbaahinta CBS, maamulka ayaa baaritaan ku samayn doona in raggan ay saqraan ahaayeen xilliga ay arrintu dhacaysay, halkii la baari lahaa dhacdada lafteeda.

Ma cadda sida uu ku billowday gacan ka hadalka dhex maray sirdoonka iyo ninka darawalka ah.

Labada xubnood ayaa marka uu dagaalku dhacayay ku sii noqonayay hoteelka ay daganaayeen ee Grand Hyatt.

Booliska maxaliga ah, ciidanka amniga hoteelka iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku soo baxeen dhacdada.

Booliska Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha sirdoonka, iyagoo waraystay dhinacyada kale, balse waxay go’aansadeen in aysan xarig samaynin ama dacwad furin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this