Sign in to follow this  
Deeq A.

BBC-da oo daabacday warbixin Xasaasiya oo Dawlada Uk diidaneyd in la faafiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

BBC-da oo daabacday warbixin Xasaasiya oo Dawlada Uk diidaneyd in la faafiyo

 

Nin jaajuus ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka gudaha ee dalka Ingiriiska – oo magaceeda loo soo gaabiyo MI5 – ayaa awooddiisa shaqada u adeegsaday si uu ugu argagixisyo haweeney saaxiibtiis ah, isagoo kaddibna dibadda u aaday si uu shaqadiisa basaasnimada usii wato xilli uu baaritaan ku socday.

BBC-da ayaa ogaatay xogtan oo ay dabagal ku samaysay.

Muuqaal la helay ayaa muujinaya ninkaas oo haweeneyda ugu hanjabaya inuu dilo, waxa uuna ku weeraray baangad.

Ninkan oo ajnabi ah magaciisa lama xusi karo, inkastoo caddeymo loo hayo in uu halis ku yahay dumarka, maadaama ay dowladdu maxkamad ku dacwaysay BBC-da si ay uga hor istaagto in la daabaco xogta.

Caddeymaha ayaa muujinaya in uu jaajuuskaas yahay xagjir ka tirsan garabka midig-fog, horayna u sameeyay waxyaabo qalalaase ah.

Kiis adag oo maxkamadda ka dhacay ayay shirkadda BBC-da ku doodday in haweenku ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan magaca iyo aqoonsigan ninkan, taasina ay dad kale ka ilaalinayso dhibaato soo gaarta.

Balse waxaa lagu guulaystay oo keliya in la iska celiyo isku daygii ay dowladdu ku doonaysay in lagu hor istaago daabicidda sheekadan.

Beth, oo ah muwaadinad u dhalatay Britain ayaa ninkan basaaska ah kula kulantay barnaamij online ah oo lagu haasaawo. Lamaanaha ayaa gaaray ilaa heer ay si wadajir ah isula dagaan guri ku yaalla UK.

Markii hore, sida ay sheegtay, waxa uu ahaa “nin aad u fiican”. Waxay u muuqdeen in ay meelo badan isku dabeecad ka yihiin.

Balse muddo kaddib, waxaa la ogaaday inuu yahay nin fikir xagjirnimo ah aaminsan, aadna u jecel qalalaasaha.

Beth – oo magaceeda dhabta ah uusan sidaas ahayn – ayaa sheegtay inuu u gaystay xadgudub galmo, dhibaato xoog lehna uu ku hayay.

Waxa ay sheegtay in uu awooddiisa shaqo ee laamaha amniga Britain u adeegsaday inuu ku cabsi geliyo iyada.

“Si buuxda ayuu ii xukumayay. Anigu waxaan ahaa qof ka duwan sida aan hadda ahay,” ayay tiri.

Markii uu xiriirkooda isu baddalay mid qallafsan oo tacaddi ah, Beth caafimaadka maskaxdeeda ayaa xumaaday.

Waxa uu keensaday hub, waxa uuna ku khasbay in ay daawato muuqaallo ay kooxo argagixiso ah soo duubeen oo ku saabsan dad la dilayo, sida ay sheegtay.

Markii hore waxa uu ka qariyay magaciisa dhabta ah. Baaritaan ay BBC-du samaysay ayaa lagu ogaaday in ninka oo magaciisa aan u adeegsanayno xarafka “X” uu dhowr sano lasoo shaqeeyay hay’adda sirdoonka ee MI5.

Mid ka mid ah muuqaalada la helay ayaa laga arkayaa ninka sirdoonka ah oo Beth ku weeraraya baangad.

A sequence of the victim's mobile phone images shows her being attacked by the man with a machete (blurred)
Beth telefoonkeeda muuqaal uga duubtay weerarka

X codkiisa ayaa muuqaalka laga maqlayaa isagoo sheegaya in uu dili doono gabadha, kaddib qolka ayuu ka baxayaa waxa uuna soo laabanayaa isagoo baangad wata – baangaddii ayuuna markaas kaddib madaxa ka saarayaa.

Marka ay u sheegto in muuqaalkan la gaarsiin karo booliska, X waxa uu bilaabayaa inuu weeraro isagoo hub gacanta ku haysta. Muuqaalka ayaa go’aya iyadoo qaylinaysa.

Waxaa haweeneyda u suurta gashay in ay iska dhiciso, balse saacado kaddib ayuu mar kale ku soo weeraray mindi, isagoo isku dayay in uu qoorta ka jaro. Waxa ay sheegtay in ay gacanta ka qaniintay si ay isga celiso.

Booliska ayaa tagay gurigooda marka uu weerarkaas dhacay kaddib, balse baaritaanka BBC-da ayaa muujinaya in tallaabada booliska ay ku dheehnaayeen arrimo aad u culus.

X waa la xiray, waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu weeraray Beth, maxkamad ayuuna kasoo muuqday.

MI5's London headquarters
Xarunta dhexe ee MI5 ay ku leeyihiin London

Hase yeeshee markii maxkamadda la geeyay, dacwad oogeyaashu waxay iska laaleen kiiskiisa.

Beth waxay sheegtay in X uu kusoo laabtay guriga uuna sii waday tacaddiga uu kula dhaqmayay.

Boolisku xog dhammaystiran kama aysan qaadanin Beth mana aysan ka qaadanin muuqaalka muujinaya in weerar loo gaystay.

Lamanaahan muddo dheer kuma aysan nagaanin wadajir. X ayaa Beth ka saaray guriga, isagana waxa uu baxay xilli uu ku socday baaritaan.

Mar ay boolisku baareen guriga uu weerarka baangadda ka dhacay, waxay heleen qalab muujinaya xagjirnimo – oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in X uu yahay Nazi (dadka aaminsan fikirka yuhuud nacaybka ah).

BBC-da ayaa aragtay caddaymo ay hayaan booliska, sida buug uu qoray X oo uu kaga hadlay dilka “yuhuudda”. Waxa uu sidoo kale wax ka qoray inuu dilo Beth.

Saraakiisha booliska maxaliga ah ayaa wacay waaxda la dagaallanka argagixisada, kuwaasoo markii ay goobta tageen la wareegay qalab kala duwan.

Baaritaan ku saabsan argagixisannimo ayaa lagu bilaabay X balse waxa uu UK ka tagay isagoo wali baaritaankaas lagu wado.

Dhowr isbuuc kaddib bixitaankiisa, Beth waxaa ku dhacay xanuun dhanka dhimirka ah, isbitaal ayaana la dhigay.

 

Woman who spoke to the BBC - face disguised in darkness

Intii ay isbitaalka ku jirtay, qaar ka mid ah alaabteedii ay la wareegeen laanta la dagaallanka argagixisada ayaa loo soo celiyay qoyskeeda, waxaana halkaas geeyay nin aan magaciisa iyo aqoonsigiisa sheegin.

Qoysku waxay qiyaaseen in uu yahay qof ay isla shaqeeyaan X. Beth iyo qoyskeedaba ma aysan ka war qabin inuu socday baaritaan ku saabsan argagixisannimo.

Markii Beth isbitaalka laga soo saaray waxay cabasho u gudbisay booliska maxaliga ah, waxayna waydiisay sababta loo joojiyay kiiska, sababta loo qaatay alaabteeda iyo sababta uu qof aan la aqoonin usoo celiyay.

Boolsika ayaa hal sano ku qaatay inay waraysi ka qaadaan haweeneydan, waxayna ugu dambayn u sheegeen in aysan jirin wax la eego maadaama wax walba horay loo baaray. Taasi run ma ahayn.

Inta ay socotay cabashada ay Beth u gudbisay booliska, waxaa loo sheegay in boolisku aysan wax xog ah ka haynin la wareegista alaabteeda, balse ay ka war heleen in alaab la qaaday loona celiyay X.

Saraakiisha booliska u hadlay waxay sheegeen in aysan iyagu qaadin qalabka, baaritaankodana u adeegsanin, wax macluumaad ahna aysan ka haynin arrintaas”.

Taasi run ma aha, maadaama boolisku markii ay walaac dareemeen ay durbadiiba waceen laanta la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale run ma aha sheegashada booliska ee ku saabsan in alaabta loo celiyay X – sababtoo ah alaabtaas waxaa loo geeyay hay’adda MI5.

BBC-da ayaa heshay xog sheegeysa in X markii uu dalka ka baxay uu tagay dibadda islamarkiina uu ka shaqo billaabay hay’ad sirdoon oo ajnabi ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this