Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya & IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah deyn cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis la gashay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, kaasi oo ku saabsan dib u eegista labaad iyo saddexaad ee barnaamijka dhaqaalaha Soomaaliya.

Heshiiska oo la xiriira heerka shaqaalaha ayaa wuxuu ku xiran yahay inuu ansixiyo guddiga fulinta ee Hay’adda IMF, balse uu kordhin doono taageerada miisaaniyada ilaa 17 Bisha soo socota ee Ogosto 2022.

War kasoo baxay Hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in heshiis la gaaray ka dib markii ay wadahadal dhanka farsamada ah la yeelatay dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay, xaalad kasta oo waddanka uu wajahayo, hay’addu waxa ay intaas ku dartay in Abaaraha Dalka saameyn taban ku reebeen balse kobaca dhaqaalaha uu horumar gaaray.

Waxa ay ballanqaaday in si dhaw ula shaqeyn doonto Dowladda Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Hoggaamiyo si loo dhammeystiro howlihii deyn cafinta Soomaaliya oo billawgiisa qayb weyn ka qaatay xiligii uu ahaa Madaxweynaha 8-aad ee Soomaalutya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo faah-faahin ka bixiyay heshiiskaas ayaa sheegay in uu guul laga gaaray heshiiskaan oo muhiim u ah geeddi-socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dib u eegista waiyada 2-aad iyo 3-aad ee Barnaamijka ECF ee dib u habeynta hannaanka maaaliyadda & horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaray meel wanaagsan.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka. IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka, si loo gaaro Barta_Kamadambeysta” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Hay’adda IMF ayaa muddo ku qaylo-dhaamineysay in la dhammeystiro Doorashada Soomaaliya ugu dambeyn 17-ka May 2022 si aanay u istaagin kaalmada Hay’adaha iyo Dowladaha kala duwan ay ku bixiyaan kabka miisaaniyadda & mushaharka shaqaalaha Dowladda balse Doorashada ayaa soo idlaatay 15-ka may 2022.

The post Soomaaliya & IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah deyn cafinta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this