Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabka ka kaca suuqyada Soomaalida Maxaa ku soo beega Habeennimada Jimcaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabka ka kaca suuqyada Soomaalida Maxaa ku soo beega Habeennimada Jimcaha?

 

10 Jan2019, habeen [Jimce] ah ayaa waxaa gubtay suuqa Bakaaraha -Muqdisho!
18 Jan 2019, habeen [Jimce] ah waxaa gubtay suuq ganacsi oo u dhexeeya labada isgoys ee Soobe iyo Banaadir -Muqdisho!
25 Jan 2019, habeen [Jimce] ah waxaa gubtay suuqa Waaberi, dabkaasi na illaa waaberigii ayuu socday. -Muqdisho!
1 Feb 2019, habeen [Jimce] ah qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha ayaa gubatay. -Muqdisho!
2 Dec 2011, habeen [Jimce] oo ay Sabti soo gelayso, waxaa gubtay suuqa -Boosaaso!
1 Apr 2022, habeen [Jimce] oo ay Sabti soo gelaysay, waxaa gubtay suuqa Waaheen. Hargaysa!
Caawa oo ay Jimco tahay la mid ah Jimceyaashaas aan soo sheegay, taariikhdu tahay 19May 2022, waxaa dab ka kacay Banaadir -Xamar!
________
Haddaba waxaa iswaydiin mudan -kollayba in badani kuma baraarugsana’e- waxa dhacdooyinkaa waqtiyada kala duwan, iyo goobaha kala duwanba ka dhacay, geddigood ka simay habeenka jimcaha ah! Habeenkani muxuu ka dhiggan yahay?
Sawirrada: Labadii deb ee ugu danbeeyay; Caawa iyo kii Hargaysa ka kacay dhowaan.
ilhaam buuxo
Isha Xogta: Dr Cadceed.
283079492_549325266826171_23394077099664
281990382_549325300159501_75180197476604
282226976_549325353492829_33372867485021

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this