Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine :Maxaa kala qabsaday Haweeney Carmal ah & Askari Ruush ah oo Ninkeedii dilay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine :Maxaa kala qabsaday Haweeney Carmal ah & Askari Ruush ah oo Ninkeedii dilay?

Image shows Vadim Shishimarin
Askarigan oo 21 jir ah ayaa ahaa taliye Taangi

Maalmihii ugu horreeyay ee uu billowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa nin 62 jir ah oo aan hubaysnayn lagu dilay waddo xaafad ku dhex taalla oo gurigiisa bannaankiisa ah. Magaciisu waxa uu ahaa Oleksandr Shelipov.

Saddex bilood kaddib, askari Ruush ah oo lasoo qabtay, laguna eedeeyay inuu ninkaas dilay ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Kyiv. Dacwadda lagu soo oogay nooceedu waa dambi dagaal.

Maanta oo Khamiis ah waxaa askarigan 21 jirka ah maxkamadda kusoo hor istaagtay haweeney lagu magacaabo Kateryna Shelipova, oo ah xaaska uu ka dhintay ninkii la dilay.

Waxay waydiisay inuu ka qoomamaynayo dilka uu ninkeeda u gatsray.

Askarigan taliyaha taangiga Ruushka ahaa, oo la yiraahdo Vadim Shishimarin, ayaa ugu jawaabay inuu qirsan yahay dilka ninkeeda, waxa uuna ka codsaday in ay cafiso. “Balse waan fahmi karaa ma awoodi kartid inaad i cafisid,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kateryna Shelipova halkaas kuma aysan joojinin hadalka. “Fadlan ii sheeg, maxay tahay sababta idinkoo Ruushka ah aad halkan u imaateen? Miyaad na difaacaysaan?,” ayay waydiisay, iyadoo la xiriirinaysa marmarsiiyada uu Vladimir Putin u sababeeyay dagaalka.

“Yaad naga difaacaysaan? Ma waxaad iga difaacday ninkeyga, oo aad iga dishay?”.

Askariga wax jawaab ah uma uusan haynin su’aashaas.

Image shows Kateryna Shelipova at trial
‘Muxuu kaa galabsaday ninkeyga?’ ayay Kateryna Shelipova waydiisay askariga Ruushka ah ee qirtay dilka ninkeeda

Maxkamadayntan taariikhiga ah waxay ahayd markii ugu horreysay ee askari ka tirsan ciidanka Ruushka sharciga loo hor geeyo eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal, tan iyo markii uu billowday dagaalka lagu qaaday Ukraine bishii February.

Dabcanna, in sidaasoo kale hadallo la isu waydaarsado ayaa qayb ka ah dacwaddan. Taasoo ah in askari iska indha tiray shuruucda dagaallada lagu khasbo inuu wajaho waxa uu sameeyay iyo dadka uu waxyeellada u gaystay.

Sgt Shishimarin waxa uu maxkamadda horteeda ka qirtay dambigiisa, dacwad oogeyaasha reer Ukraine-na waxa ay codsanayaan in lagu xukumo xabsi daa’in.

Maalintii Arbacada, Ms Shelipova ayaa wariyaha BBC-da u sheegtay in ay u naxday ninka askariga ah balse ay ku adag tahay in ay u cafiso dambigan.

Waxay maqlaysay dhawaaqa rasaastii lagu dilay ninkeeda, kaddibna waxay albaabkeeda ka aragtay Sgt Shishimarin oo hub haysta.

Shan daqiiqo kaddibna waxay sheegtay in ay aragtay ninkeeda meydkiisa: “Waxa uu ku dhintay rasaas madaxa uga dhacday. Markii aan arkay waxaan billaabay inaan aad u baroorto.”

“Geerida ninkeyga ayaa wax walba iiga wayn,” ayay tiri Ms Shelipova, oo intaas kusii dartay: “Isaga ayaa i difaaci jiray”.

‘Wuu ku dhintay’

Image shows Vadim Shishimarin sitting in dock

Isagoo soo xasuusanaya falka dhacay 28-kii bishii February ayuu Vadim Shishimarin sheegay in isaga iyo koox yar oo askarta Ruushka ka tirsan ay ka go’een unugtii ay la socdeen kaddibna ay gaari dhaceen si ay ugu laabtaan ciidankooda.

“Annagoo gaariga kaxaynayna ayaan aragnay nin. Telefoonka ayuu ku hadlayay,” ayuu yidhi askariga la maxkamadeeyay.

Waxa uu sheegay in uusan rabin inuu rasaas ku furo, balse uu raacayay amar la siiyay – uuna hanjabaad kala kulmay askari kale oo digniin siinayay haddii uu waxa lagu amray sameyn waayo.

“Wuxuu ii sheegay in aan dhammaanteen khatar na wada gelinayo haddii aan toogan waayo. Meel dhow ayaan ka toogtay. Wuu ku dhintay rasaastii,” ayuu maxkamadda horteeda ka yiri taliyaha taangiga ee 21 jirka ah.

 

Image shows Vadim Shishimarin sitting in dock

Dowladda Ukraine ayaa ilaa hadda sheegtay in ciidamada Ruushka ay dalkeeda ka gaysteen 11,000 fal oo ay suuragal tahay in ay yihiin dambiyo dagaal.

Hase ahaatee, xukuumadda Moscow ayaa beenisay in ay dad rayid ah baltilmaameedsatay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this