Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo la soo baxay xeelado reer galbeedka uga daran dagaalka Ukraine ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo la soo baxay xeelado reer galbeedka uga daran dagaalka Ukraine ka socda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay cunnada u adeegsnayao sida hubka dagaalka.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay cunnada u adeegsnayao sida hubka dagaalka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay cunnada u adeegsnayao sida hubka dagaalka.

Moscow waxay go’doomisay dekedaha ku yaal Badda Madow ee Ukraine; waxa ay sheegtay in ay ogolaan doonto oo kaliya dhoofinta qamadiga iyo raashinka kale kale ee muhiimka ah ee cuntada waa hadii laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah.

Mr Blinken ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Ruushka uu si ula kac ah uga sii darayo dhibaatada cunnada ee sii kordheysa ee caalamka.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu doonayo inuu xado qalabka beeraha reer Ukraine, iyo in uu dabin u dhigo maraakiibta sahayda ka buuxaan.

Barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in boqolkiiba sagaashan dadka ku nool gudaha Ukraine lagu khasbo faqri iyo gaajo haddii Ruushku sii wado weerarka.

 

Waxa uu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu leeyahay ‘mas’uuliyad gaar ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka hadda jira’ wuxuuna ugu baaqay dalalka Qaramada Midoobay inay cadaadis ku saaraan Ruushka inuu joojiyo in cuntada uu adeegsado sida hubka oo kale.

“Xubnaha Golaha (Amniga) iyo, waddan kasta oo xubin ka ah Qaramada Midoobay waa inuu ku cadaadiyaa Ruushka inuu joojiyo ficillada sababaya dhibaatada cunnada ee Ukraine iyo guud ahan caalamka taasi oo ka sii dareysa.Jooji xannibaadda dekedaha ku yaal Badda Madow iyo badda Azov, u oggolow qulqulka xorta ah ee maraakiibta iyo tareenada iyo gawarida xamuulka qaada inay cunooyiinka ka oso daabulaan Ukrain.”

“Jooji ka-hortagga cuntada iyo saadka kale ee nooolasha lagu badbaadiyo inay gaaraan dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka Ukrain ee la go’doomiyey, jooji inaad ku hanjabto inaad joojinayso cuntada iyo u dhoofinta waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo waddamada dhaleeceeya dagaalkaaga gardarada ah.”

Waxaas oo dhami waa lama huraan si loo badbaadiyo nolosha Ukraine, iyo in la badbaadiyo nolosha adduunka oo dhan.”)

Ruushka iyo Ukraine waxay soo saaraan 30% sarreenka adduunka dagaalka ka hor – Ukraine waxay dhoofin 4.5 milyan oo tan oo ah wax soo saarka beeraha ah bishii.

.

Laakiin tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaankiisa bishii Febraayo, dhoofintii ayaa gebi ahaanba Meesha ka baxday qiimuhuna sare ayuu u kacay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 milyan oo tan oo hadhuudh ah ay hadda ku xayiran yihiin dalka Ukraine, taas oo haddii la sii daayo ay yareyn karto cadaadiska suuqyada caalamka.

Dhanka kale Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay gargaarka degdega ah ee Ukraine, kaasoo ku kacaya ku dhawaad afartan bilyan oo dollar. Xirmadan — oo isugu jirta gargaar milatari, dhaqaale iyo mid bani’aadminimo ayaa ah gargaarkii ugu weynaa ee uu Mareykanka u ansixiyay Ukraine.

Sharciga ayaa hataan loo gudbinaya Aqalka Cad, si uu Madaxweyne Biden u saxiixo oo uu u dhaqan galo. Waxa uu u mahadceliyay senatarada labada dhinac ee taageeray tallaabooyinka, isagoo sheegay inay xoojinayaan mowqifka Ukraine ee goobta dagaalka iyo miiska wada xaajoodka.

Madaxweyne Zelensky ayaa u mahadceliyay Aqalka Sanate-ka. Waxa uuna sheegay in lacagtan ay gacan ka geysan doonto soo celinta nabadda iyo amniga ee dalkiisa colaaddu saameysay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this