Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkan ka akhri Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato gaashaanbuurta Milatari ee ugu weyn dunida-NATO

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan ka akhri Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato gaashaanbuurta Milatari ee ugu weyn dunida-NATO

Finnish soldiers with NLAW anti-tank missiles
Finland iyo Sweden waxay leeyihiin ciidammo xoog leh

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa si rasmi ah u codsaday inay ka mid noqdaan gaashaanbuurta Nato ee dhanka amniga ee reer galbeedka.

Go’aankooda waxa keenay duullaankii Ruushka ee Ukraine. Waxaa soo dhaweeyay inta badan 30-ka dal ee xubnaha ka ah Nato.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa ka soo horjeeda in labada dal ay ku biiraan Gaashaanbuurta, iyagoo sheegay in labada dal ay taageeraan argagixisada ka soo horjeeda Turkiga.

Maxay tahay Nato?

Gaashaanbuurta Nato waxaa la aasaasay 1949-kii iyada oo waddamada isku bahaystay ay ugu dan lahaayeen si ay isaga caabbiyaan isballaarintii Midowga Soofiyeti uu ku hayey waddamada Yurub, iyada oo ay NATO tahay xulafada militari ee ugu awoodda badan caalamka.

Waxaana asal ahaan aasaaska gaashaanbuurta uu salka ku hayaa “ilaalinta xornimada, ilbaxnimada iyo athaarta ma guurtada ee ay dalalka xubinka ka ah ee ku yaalla waqooyiga Atlanta ay wadaagaan.

Waxayna waddamada xubinka ka ah ku heshiiyeen dagaalka hubeysan ee lagu soo qaado waddan ka mid ah ay ka dhigan tahay mid lagu soo qaaday waddamada xubinka ka ah gaashaanbuurta oo dhan.

Gaashaanbuurta Nato waxaa xubna ka ahaa oo lagu aasaasay 12 dal, iyada oo 1952-kii ay xubin ka noqdeen waddamada Greece, Turkiga iyo Galbeedka Jarmalka. Inkasta oo ciidamada ugu badan gaashaanbuurta ay yihiin kuwa Mareykanka.

Sidee Finland iyo Sweden ugu biiri karaan Nato?

Labada dal waxay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah sannado badan, laakiin taageerada dadweynaha ee ku biirista Nato ayaa kor u kacday tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine.

Codsiga iyo ka mid noqoshada Nato waxay qaadan kartaa hal sano, dhammaan dalalka xubnaha ka ah waa inay ku heshiiyaan in waddan cusub uu ku soo biiri karo.

Si ay ugu biiraan Nato, dalalku waa inay noqdaan kuwo dimuqraadi ah, ula dhaqmaan beelaha laga tirada badan yahay si cadaalad ah oo ay u heellan yihiin inay si nabad ah ku xaliyaan khilaafaadka.

Waa inay sidoo kale taageero ciidan siiyaan isbahaysiga.

Finland – oo xuduud dhan 1,340km (830 mile) la leh Ruushka – iyo Sweden waxay leeyihiin ciidan awood sare leh.

Xubnaha Nato waxay ogolaadeen inay 2% dhaqaalahooda ku bixiyaan difaaca. Finland waxay horeyba u gaartay yoolkan, Iswidhanna waxay sheegtay inay ku fulin doonto “sida ugu dhakhsaha badan”.

Turkish fighter jets on patrol for Nato over Poland

1px transparent line

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah xubnaha Nato, waa Turkigee, ayaa sheegay in ay diidi doonaan in Sweden ama Finland ay ka mid noqdaan xulafada.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in labada dal ay gabaad siiyan xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo ay u arkaan urur argagixiso.

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Finland iyo Sweden ay labaduba ku biiri doonaan, inkastoo Turkiga uu diidan yahay.

Maxay Nato ciidan ugu diri weyday Ukraine?

Maaddaama Ukraine aanay xubin ka ahayn, Nato waajib kuma aha inay difaacdo.

Wadammada Nato ayaa ka cabsi qaba in hadii ciidamadooda ay ka hortagaan ciidamada Ruushka ay taasi horseedi karto dagaal dhan walba ah oo dhex mara Ruushka iyo reer galbeedka.

Waa maxay sababta Ruushku uga soo horjeedo Nato?

Nato ayaa Ukraine u soo bandhigtay dariiqa xubinimada 2008-dii. Ka dib markii Ruushka uu la wareegay Crimea 2014, Ukraine ayaa mudnaanta siisay ku biirista xulafada.

Laakiin taasi ma dhicin, sababta oo ah waxaa ugu wacan diididda muddada dheer ee Ruushka.

Ruushka ayaa aaminsan in Nato ay ku soo xad gudubtay aagga ay ku leedahay saameynta siyaasadeed iyagoo aqbalaya xubno cusub oo ka imaanaya bariga Yurub – waxayna qirteen in Ukraine ay Nato ku soo biiri doonto.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa aqbalay in dalkiisa uusan hadda ku biiri karin Nato, isagoo yiri: ” Way caddahay in Ukraine aysan xubin ka ahayn Nato, waan fahamsanahay arrintan.”

Ruushka ayaa uga digay Finland iyo Sweden inay ku biiraan.

Ukrainian infantrymen in training
Dalalka reer galbeedka ayaa gargaar milatari siiyay Ukraine

Immisa askari ayay Nato ka jooga bariga Yurub?

Nato ciidamo ayaa horey uga joogay Baltic oo ku taalla waqooyiga Yurub ilaa Romaniya gaar ahaan dhanka koonfureed.

Waxaa halkaasi la dejiyay 2014-kii, ka dib markii Ruushka uu qabsaday Crimea.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this