Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Baaqna u Diray Shacabka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federalka ah, golaha ayaa hombalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya madane Xasan Shiikh Maxamuud.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale shirkooda  maanta dhacay ku ansixiyay hindise shacyeedyo kala ah Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay usoo duceeyaan madaxweynaha cusub ee dalka oo dhowaan la doortay in Eebe ku asturo mas’uuliyadda loo idmaday, waxaana dhanka kale uu u madadceliyay madaxweynihii hore dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa  sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this